Está en la página 1de 6

Xusuustii Solferino

24-kii Juun 1859 ayaa isaga oo safar ganacsi ah uu Henry Dunant tegey Solferino
oo hadda ka tirsan Talyaaniga.

Isla maalintaas ayaa Ciidanka Napoleon ee Faransiiska oo kaashanaya ciidanka


Sardenia uu dagaal kaga guuleystay ciidanka Austria. Waxay ku dagaallameen
Solferino.

Dagaalkaas oo Talyaanigu u yaqaan dagaalkii Solferino iyo San Marino, Henry


Dunant wuxuu ku soo dhex dhacay 23 kun oo nin oo isugu jira dhaawac, kuwa
markaa naf baxaya iyo meyd dhinac kasta yaalla.

Ka sokow howshii daryeelka dhaawaca iyo maxbuuska ahayd ee uu halkaa ka


abaabulay, wuxuu qoray buug uu ugu magac daray Xusuustii Solferino.

Markii uu fasiray uur ku taalladii uu ku arkay goobta dagaalka, wuxuu buuggu soo
jeediyay in la sameeyo hey’ad dhexdhexaad ah oo marka dagaal dhaco, tagta
goobta oo dhaawaca iyo bukaanka daweysa, maxaabbiistana daryeesha.

Intuu lacagtiisa ku daabacay buugga, ayuu gaarsiiyay Madax iyo dad kale oo
saameyn badan leh. Yurub ayuu ku safray oo ra’yiga faafiyay.

Fikirka Henry Dunant ayaa sabab u noqday in la asaaso Guddiga Caalamiga ah ee


Laanqeyrta Cas, ICRC sannadkii 1863.

Taariikhda la xuso ee loo aqoonsaday maalinta Laanqeyrta iyo Bisha Cas waa
maalinta uu dhashay Henry Dunant, 8 May 1828.
Xaggee laga keenay summadda Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas?
summadda Laanqeyrta Cas Laanqeyrta Cas Waxaa Laga Keenay Calanka
Switzerland Oo Lagu Sharfay Henry Dunant 1863 Dalkiisa Switzerland calankiisu
waa calan cas oo ay dhexda kaga asteysan tahay Laanqeyr ama Istillaab Cad.
Waxaa la is weydaariyay midabbada calanka Switzerland.

Hey’adda waxaa astaan u ah Calan Cad oo dhexda ay kaga asteysan tahay Istillaab
ama Laanqeyr Cas.
Summadda Bisha Cas Bisha Cas oo ku sawiran bed caddaan ah waxaa sameysay
Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiihnta sannadkii 1868.

Bisha Cas waa calan midabkiisu caddaan yahay. Waxaa laga dheegtay calanka
Turkiga oo ah Calan Cas oo ay bartanka kaga taal Bil Cad.

Bisha Cas waa calan midabkiisu caddaan yahay. Waxaa laga dheegtay calanka
Turkiga oo ah Calan Cas oo ay bartanka kaga taal Bil Cad.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, wuxuu daryeelaa
dhibbanayaasha masiibooyinka dadku sameeyay – waa dagaallada.

Waxay ku shaqeeyaan xeerar Caalami ah oo ay ugu caansan yihiin afarta heshiis ee


Axdigii Geneva ee 1949 oo dalalka adduunku ay saxiixeen. Soomaaliya waxay
saxiixday 02 Luulyo 1962.

IFRC waxaa ku bahoobay ururrada Laanqeyrta iyo Bisha Cas oo ka dhisan dal
kasta. Wuxuu isu duwaa howlahooda wuxuuna daryeellaa dhibbanayaasha
masiibooyinka dabiicga ah sida cudurrada, daadadka iyo abaaraha.

Sida Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, dal kastaa wuxuu leeyahay hal urur oo
Bil ama Laanqeyr Cas ah oo xilli walba u gargaara dhibbanayaasha dalkiisa haddii
uu karana dalal kale u gurmada.

Dhammaantood waxay ku bahoobeen Dhaqdhaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta


iyo Bisha Cas, waxaana ka dhexeeya oo ay u wada hoggaansan yihiin Mabda' ka
kooban toddobo qodob oo ay ka mid yihiin aadminnimo, dhexdhexaadnimo,
madax bannaani iyo mutaddawacnimo.
Fundamental Principles

Humanity (Aadaminimo)
Impartiality (Exasho La’aan)
Neutrality (Dhexdhexaadnimo)
Independence (Madax banaani)
Voluntary service (Mutadawacnimo)
Unity (Midnimo)
Universality (Caalaminimo)
Bari Mageydo

Beri mageydo waa dadka lama taabtaanka ah, xiliyada dagaalada sokeeyo leyskaga
soo horjeedo waxaana ka mid ah:

1. Dhaqaatiirta.
2. Culumada.
3. Haweenka.
4. Carruurta.
5. Waayeelada.
6. Maatida.
7. Inan-layaalka.
8. Martida.
9. Xirta.
10. Maganta.
11. Ugaasyada.
12. Bukaanka.
13. Rayidka aan aan dagaalka ku jirin.

También podría gustarte