Está en la página 1de 7

HAGAHA WAALIDKA:

HORUMARKA AADANAHA IYO CAAFIMAADKA FASALLADA


EE GOGOL WADAAGGA IYO MANHAJKA
WAXBARASHADA CAAFIMAADKA IYO JIRKA
1-6
Gudaha Ontario, manhajka ayaa tilmaama waxa ay tahay inay ardaydu aqoon u lahaadaan oo ay samayn karaan dhammaadka fasal ama
maado kasta.

Manhajka ayaa ka taageeraa ardayda si ay u horumariyaan xirfadaha iyo aqoonta ay ugu:

Hagahan waxaad ka heli doontaa:


Fahmaan naftooda iyo
dadka kaleba • Macluumaad ku saabsan aqoonta iyo xirfadaha la xiriira
horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ee ku
jira manhajka qaybaha hoose iyo dhexe (fasallada ee 1-6)
• Tijaabooyin laga soo qaatay manhajka si loo muujiyo waxay
macalimiintu u isticmaalaan inay u qorshayaan wax u
dhigitaankooda ku saabsan horumarka aadanaha iyo
Si dheellitiran uga fikir, oo caafimaadka gogol wadaagga
samee oo horumari wax • Fikradaha ku saabsan siday waalidku iskaga kaashan karaan
doorashooyinka caafimaad- dugsiyada si ay u taageeraan waxbarashada carruurtooda
qabka ah.
• Halka laga helo macluumaad dheeraad ah.

Ka caawinta ardayda inay horumariyaan aqoonta iyo xirfadaha


lagu badbaado ee caafimaad-qabka lagu noqdo ayaa qayb ka mid
ah Gaarista Heer Sare: Hadaf Dib loo Cusboonaysiyay oo ku Wajahan
Horumariyaan iyo ay ugu Waxbarashada Ontario. Wax dheeraad ah ka ogow ontario.ca/
haystaan xiriiryada eduvision.
caafimaad-qabka ah

Achieving Excel lence


Edu cati on
for
A Ren ewe d Visi on
in Ont ario
Atteindre l’e
U n e vi si on
xcellence
ren ou ve lée
l ’é d uc ati on de
en On tar io

Ahaadaan badbaado,
jir ahaan iyo maskax
ahaanba

April 2014
BLEED

Firfircoonaadan jir
ahaan noloshooda oo BLEED

idil oo ay koyayaan

ubad kasta taageer


arday kasta gaarsii
WAXBARASHADA KU SAABSAN HORUMARINTA AADANAHA
2015
REVISED
201
5
IYO CAAFIMAADKA GOGOL-WADAAGGA
Curr iculum The
The Ontario Ontar

Horumarinta aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ayaa ah qayb ka mid ah


Grad
Grades 1-8 es 9 io Curri
to 12 culum
REV
ISE

Health and
D

Hea
ucation lt
Physical Ed Physi h and
cal E
duca
tion
waxbarashada caafimaadka guud. Waxaa ay ku bilaabataa markay dhashaan.
Horumarka aadanaha iyo waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga waxa uu ku lug
leeyahay wax ka badan kaliya barashada qaybaha jirka iyo qaybaha taranka.
Adduunyadan maanta ee dhinacyada badan ee degdegga ah, waxa jira wax ka badan
kaliya baahida carruurta iyo dhallinyarada inay ogaadaan inay badbaadaan oo caafimaad-
qab ahaadaan. Horumarinta iyo caafimaadka gogol wadaagga ayaa ku bilaabanta
carruurta oo barata naftooda, dareenkooda, jirkooda oo ay isku muujiyaan ixtiraam
laftooda iyo dadka kaleba. Kolba markay ardaydu koraan, waxa ku ka mid noqon doona
Cilmibaarista ayaa muujinaysa barashada waxyaabaha ku saabsan sida xiriirada asaagga iyo qoyska ee caafimaad-qabka
in: ah, nadaafadda, taranka, aqoonsi, oo ay ku jirto isku-aqoonsiga jinsiga, ujeedda jinsiga,
badbaadada si toos ah, caafimaadka dhimirka iyo waxyaabo ka badan.
• Boqolkiiba 87 waalidiinta Waxa kale oo u dheer waxbarashada ku saabsan horumarka aadanaha iyo caafimaadka
Ontario ayaa taageersan gogol wadaagga, iyada oo qayb ka ah waxbarashada caafimaadka, ayay ardaydu ku
waxbarashada caafimaadka bartaan waxa ku saabsan cunidda cunto caafimaad leh, badbaadada shaqsiyeed, iyo ka
gogol wadaagga ee loogu hortaga dhaawaca, iyo isticmaalka mukhaadaraadka caadaysiga. Ahmiyaddu waa iyada oo
talagalay carruurtooda.1 la helo macluumaad sax ah iyo barashada xirfadaha si loogu sameeyo doorashooyin
caafimaad-qab ah noloshooda ardayda maalin kasta. Ardaydu ma bartaan macluumaadka
caafimaadka ee go'doon. Tusaale ahaan, ardayda ayaa bilaabi doonta barashada ku
saabsan samaynta go'aannada caafimaadka ee badbaadada leh iyaga oo barta inay hore u
fikiraan, oo ay ka fiirsadaan natiijada ka iman karta iyo inay ka fikiraan arrinta kaddib
markay doortaan. Waxay ka codsan kartaa xirfadaha kuwa xaaladaha kala duwan sida
samaynta cuntada, ammaan joogi iyo dejinta yool taam.
In dhammaan qaybo ka mid ah manhajka Caafimaadka iyo Waxbarashada Jimicsiga,
ardaydu waxay bartaan “Xirfadaha Noolaanshaha.” Kuwaasi waa xirfadaha ka caawiya
ardayda horumarinta is-garashada iyo xirfado bulsheedka, si wax ku ool ahna hadalka u
weydaarsada markay tahay xiriirada asxaabta iyo qoyska, oo dhibaatooyinka u
maareeyaan oo si dheellitir u fikiraan si ay go'aano u gaadhaan, una dejiyaan yoolasha
oo dhibaatooyinka u xalliyaan.

WAALIDIINTA, DUGSIYADA IYO BEELAHA AYAA ISBAHAYSI U


SHAQEEYA
ISBAHAYSIYADA
Waxbarashada ayaa waxtar badan leh markay waalidiinta, dugsiyada iyo beelaha
dhammaan ka wada shaqeeyaan si ay u taageeraan barashada ardayda ee ku saabsan
horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga. Ardayda ayaa u baahan
macluumaad lagu kalsoonaan karo oo sax ah si ay u sameeyaan doorashooyin badbaado
iyo caafimaad-qab ah.

Waalidiinta ayaa ka caawiya ilmahooda inay samaystaan qiyam ku saabsan xiriirada iyo
habdhaqanka iyo caafimaadka gogol wadaagga.
Markii lala tashaday ayay, Dugsiyadu ayaa siiya dhammaan ardayda inay wax ugu bartaan jawi waxbarasho oo
waalidiinta iyo ardaydu badbaado, oo daryeel leh. Ardayda ayaa u baahan inay yeeshaan dareen ka tirsanaan
tilmaameen inay rabaan
markay naftooda baranayaan iyo halka ay kaga aaddan yihiin adduunka iyaga ku
dugsiyada iyo waalidiintu
wareegsan.
inay ka wada shaqeeyaan
taageeridda ardayda. Shurakayaasha beesha, sida caafimaadka dadwaynaha iyo ururrada caafimaadka
dhimirka, ayaa ka caawiya waalidiinta iyo dugsiyada inay kabaan taageerada ay heli
karaan carruurta iyo dhallinyaradu.

2
WAXAY ARDAYDU KU BARTAAN HORUMARINTA AADANAHA
IYO CAAFIMAADKA GOGOL WADAAGGA IYO MARKA

FASALLADA Fasallada Hoose (Fasallada 1, 2, iyo 3)

1-3
Waxyaabaha qaarkood ee ardayda fasallada 1, 2 iyo 3, way baranayaan waxa la mid ah:
• Magacyada qaybaha jirka
• Faham hore oo ah sida jidhkoodu u shaqeeyo
• Xirfadaha xiriirka caafimaad-qabka ah ee asxaabta iyo qoysaska, sida u muujinta
ixtiraamka dadka kale
• dareemadooda, nadaafadda, caafimaadka afka iyo marxaladaha kala duwan ee
kobaca
Markay carruurtu bartaan • Caafimaadka jirkooda ayaa qayb ka mid ah caafimaadka iyo fayoqabka guud.
magaacda saxda ah ee • Ogaanta dareenkooda iyo helitaanka caawimada haddii ay u baahdaan
qaybohooda jirka ayay si cad u • Caafimaadkooda bulsheed iyo shucuurelitaanka weheliyaan dad kale, garashada
hdli karaan oo ay weyddiisan dareenkooeed (tus., la dhaqanka fiican ee dadka kale, garashada dareenkooda,
karaan jirro, dhaawac ama barashada xirfadaha la qabsashada).
tacaddi hadduu ku dhacdo.
Iyada oo aasaas u ah xiriirka caafimaad-qabka ah, ayay ardayda dugsiga hoose bartaan
waxa ku saabsan waxa iyaga ka dhigaya qof gaar ah oo ka duwan kuwa kale, iyo sida
loogu muujiyo ixtiraamka dhammaan dadka. Tani waxay ku lug yeelan kartaa barashada
ku saabsan ka soo jeedka dhaqmeed ee kala duwan iyo qaab-dhismeedka qoyska.
Barashada ku saabsan dadka kale ayaa xidhna waxay ardaydu ku baranayaan
maaddooyinka oo dhan, sida manhajka cilmi bulsheedka ku saabsan bulshooyinka kala
duwan markay tahay Fasalka 1, iyo qoysaskooda ee Fasalka 2aad.

MAXAY TAAASI U EG TAHAY MARKAY KU JIRTO MANHAJKA? Ahmiyadda waxbarashada ee ka


TIJAABO WAXYAABAHA LAGA FILANAAYO FASALKA 3 filitaanka manhajkan ayaa ah
ka caawinta ardaydu inay
Horumarinta Aadanaha iyo Caafimaadka Gogol-Wadaagga
Illaa dhammaadka Fasal 3, ardayda waxay: fahmaan kala duwanaanshaha
muuqda iyo kuwa aan muuqan
C3.3 Sifee kala duwanaanta muuqaalka arki karo (tus., maqaarka, timaha, iyo midabka indhaha,
sifooyinka wajiga, cabbirka iyo qaabka jirka, qalabyada jirka caawiya ama kartida kala duwan markay baranayaan waxa ka
ee jirka, dharka, hanti) iyo kala duwanaanshaha aan muuqan (tus., kartida barashada, xirfadaha dhigaya qof kasta gaar iyo sida
iyo hobooyinka, qiyamka shaqi ah ama dhaqameed iyo iimmaanka, aqoonsiga jinsiga, u jeed jinsi,
taariikhda qoyska, doorbidyada shakhsi, xasaasiyadaha iyo wax u nuglaanta) ayaa ka dhigayaa loo ixtiraamo dadka kale.
qof kasta gaar, oo tilmaan siyaabaha kala duwan ee loogu muujinayo ixtiraamka ka
duwanida kuwa kale [PS, IS]
Manhajka ayaa leh liisas
Hoggaamin macallin: “Mararka qaarkood waxaan duwanaan ku leenahay siyaabo aad
arki karto. Mararka qaarkood waxaan duwanaan ku leenahay siyaabo aynaan arki karin- oo tusaalooyin faahfaahsan oo
ay ka mid yihiin sida aan wax u barano, waxaan ka fikirayno, iyo waxaan kartida u leenahay
inaan samayno. Isii tusaalooyinka qaarkood waxyaabaha ka dhigi kara qof kasta gaar.” macalimiintu ay istcimaali karaan
Ardayga: “Dhammaanteen waxaanu ka soo kala jeednaa qoysas kala duwan. Ardayda qaarkood (laakiin aan wajib ku ahayn)
ayaa la nool laba waalid. Qaarkood ayaa la nool hal waalid. Qaar ayaa leh laba hooyooyin ama
laba aabbo. Qaar ayaa la nool ayeeyo iyo awoowo ama daryeel bixiyeyaal. Waxaa dhici karta inaan
markay u qorshaynayaan tacliinta
ka nimaad dhaqamo kala duwan. Waxa kale oo aan uu leenahay hibooyin iyo karti kala duwan iyo ardayda. Waxay kugu hagaan ka
waxyaabo kala duwan oo inagu adkaan kara inaan qabano.”
fikira aragtiyo kala duwan.
Macallinka: “Sidee baad u noqon kartaa qof lagu daydo oo u muujiya ixtiraam kala duwanaanta dadka
kale?” Macalimiinta ayaa u samaysa
Ardayga: “Waxaan ku dari karaa dadka kale waxaan qabanayo, oo aan ku martiqaadi doonaa inay ku go’aamada iyada oo ku saleysan
soo biiraan kooxda, oo aan diyaar u ahay shuraako kula noqdo qof kasta hawl, waxaanan rabaa inaan
barto arrimaha ku saabsan dadka kale.” baahida suurtgalka ah ee
xaadirkan iyo mustaqbalka
ardaydooda.
“Xirfadaha Noolaanta” ayaa lagu daraa manhajka oo dhan.
Wadahadalada namuunadda ah (hagidda/
Waxa kuwaas ka mid ah barashada ku saabsan wacyi isku
jawaabaha) ee ka midka ah manhajka
lahaanta iyo xirfadaha la qabsiga; xirfadaha bulsheed iyo
ikhtiyaari ah. Waxay halkaas ugu yaalliin inay
xirfadaha wada hadalka loogu talagalay xiriirada caafimaad-
muujiyaan sida wax barashadu u ekaan
qabka ah; iyo siyaabaha lagu xalliyo dhibaatooyinka, ee loo
karto iyo si loo siiyo macalimiinta
dejisto yool iyo sida go'aammada loo samaysto. Tusaalahan,
habab kala duwan oo ay qaadan karaan
summadda, [PS, IS] ayaa muujinaysa in macallinka ahmiyadda
si loogu dhiirrigeliyo ardayda inay ka fikiraan
saari u karo gaar ahaan ka caawinta ardayda horumarinta
su'aalo/xaaladaha kala duwan ee ay iyaga
xirfadaha shaqsi iyo shakhsiyaadka ka dhexeeya kolba markay
la soo wajihi kara. 3
wax baranayaan.
FASALLADA

4-6
Fasallada Dhexe (lada 4aad, 5aad iyo 6aad)

Kolba markay ardaydu koraan oo ay horumaraan, waxay bilaabaan inay fahmaan


• Dadka dheddiga ah ayaa inta isbeddellada jidheed, shucuureed, bulsheed iyo garaad ee ay la kulmi doonaan baaluqa.
badan noqda baaluq inta u Barashada ku saabsan baaluqa darajooyin fasal ayay ka mid yihiin:
dhexaysa da'da siddeed sano
jir iyo seddex iyo toban sano • Isbeddellada jirka ku dhaca marka la baaluqo
jir. • Isbeddellada shucuureed iyo shakhsiyaad u dhaxaynta iyo kurbooyinka soo raac
baaluqa
• Dadka labta ah ayaa inta
badan noqda baaluq inta u • Fahamka taranka iyo nidaamyada jirka
dhexaysa da'da sagaal sano • Wax ka barashada xiriirada caafimaad-qabka ah
jir iyo afar iyo toban sano
jirka.2 Aqoontaas ayaa ardayda siinaysa aasaas lagu dhiso caafimaad maskax wanaagsan iyo
caafimaad-qab oo baraysa xirfadaha aya wax ku dul dhisan kaaraan kolba markay sii
kobcayaan. Waxbarashada ayaa ahmiyadda saaraysa ardayda laftooda is-fama fahmo oo
ogaanta siday taasi uga caawin lahayd iyaga xidhiidhadooda ay la leeyihiin dadka kale.
Taasim waxa ka mid ah xiriirka ay la leeyiihin ardayda kale iyo barashada ku saabsan
xidhiidhado lahaan kara xiise hore oo kalgacayl ah.

Ardayda fasallada dhexe ayaa barta waxa ku saabsan samaynta go'aano badbaado iyo
caafimaad-qab leh. Waxay kordhiyaan fahamkooda siday ugu aadsanaan doonaan
adduunka iyaga ku wareegsan, iyo ku ku saabsan suuradaynta iyo wax u malaynta, iyo
saamaynta ay taasi ku leedahay xiriirada. Taasi waxay ku xidhaa ardayda sidii ay u baran
lahaayeen maadooyinka kale, sida luqadda, cilmi bulsheedka iyo xisaabta, halkaas oo ay
ku yeeshaan xi fikirado dheellitiran iyo xirfado arrimo u fiirsi sii ay ugu xalliyaan
dhibaatooyinka oo ay u fiirsadaan.

Markay qorshaysanayaan casharrada iyo waxbarashada fasalka, macallimiinta ayaa


tixgeliya ka filitaanka waxbarashada ee manhajka ku jirta iyo baahida ardaydooda.
Macalimiintu waxay isku dayaan inay horay uga sii fikiraan su'aalaha ardayda si ay ugu
diyaarsadaan karaan macluumaadka sax ah. Waxay isticmaalaan garashadooda xirfadeed
markay isticmaalayaan tusaalooyinka la kala dooran karo iyo suaalaha namuunadda ah
(hagayaasha) kolba markay soo saarayaan qorshayaashoosa wax u dhigitaan.

4
MAXAY TAAASI U EG TAHAY MARKAY KU JIRTO MANHAJKA?
FILASHO NAMUUNAAD AH FASALKA 5

Horumarinta Aadanaha iyo Caafimaadka Gogol-Wadaagga


Illaa dhammaadka Fasal 5, ardayda ayaa:
Ahmiyadda waxbarashada ayaa
C2.4 Sifee kurbooyinka shucuureed iyo kuwa dadka ka dhexeeya ee la xidhiidha arrimaha baaluqa (tus., ah caafimaadka dhimirka iyo
su'aalaha ku saabsan isbeddelka jirka iyo dareenka, la qabsiga xidhiidhada isbeddelaya, caashaqa ugubka ah iyo
dareennada xoogga badan, iskhilaafaadka u dhexeeya hawaysiga shaqsiyeed iyo tacliin dhaqameedka iyo ku kurbada la xiriira baaluqa iyo
dhaqannada), iyo tilmaamka xeeladaha ay u isticmaali karaan maaraynta kurbada walaaca, oo dhiso waliba ku saabsan xaaladaha la
adkaysi, loona xoojiyo caafimaadka maskaxda iyo fayoqabka shucuureed (tus., firfircoonida, ku qoridda
dareenka xusuus-qor, marin u helitaanka macluumaadka ku saabsan walaacooda, talaabo ka qaadka walaaca, la qabsiga.
hadalka asaagay ku kalsoon yihiin ama qof qaan-gaadh ah, u neefsasho si fiican oo gudaha ah, wardiska, ka
raadsiga talo dhaqameedka duqayda) [PS]

Hoggaamin macallin: “Ka fikir waxyaabaha qaarkood ee u keeni kara kurbada toban-jirayaasha
Tusaale ahaan, kolba markay korayaan, dadka ayaa mararka qaarkood ayaa ka yaxyaxaan jidhkooda,
laakiin dhammaanteen ayaa u kora heerar kala duwan oo ma xakamayn kartid heerka degdegga ah ee
aad u korayso. Markaad ka fikirto habka aad uga jawaabayso kurbada, ka fikir waxaad wax ka qaban
karto iyo waxa aadan waxba ka qaban karin.” Hagidda ku saabsan qaddarinta
Ardayga: “Waxyaabaha aan wax ka qaban karo waxa ka mid ah inaan u yeesho arrimaha aragti ilaha suurtagalka ah ee kurbada:
wanaagsan ama mid xun, sidaan iskugu muujiyo ixtiraam laftayda iyo dadka kaleba, inaan caawimaad waxyaabaha ardaydu ay wax ka
weyddiiso marka aan u baahdo iyo in kale, inaan ka qaybqaato waxqabadyada dugsiga iyo beeshayda
iyo in kale, ficillada aan qaado, inaan soo dhaweeyo fikradaha cusub iyo in kale, iyo inaan go'aama-
qaban karaan iyo waxyaabaha
dayada arrimaha aan anigu ka gaadho ama aan u oggolaado in kuwo kale saamayn igu yeeshaan. ayna waxba ka qaban karin.
Waxyaabaha aanan waxba ka qaban karin waxa ka mid ah halkaan ku dhashay, dadka ka midka
qoyskayga, lacagta ay qoyskaygu haystaan, iyo sifooyinka gaarka ah sida midabka maqaarkayga,
midabka timaha, ahaantayda lab ama dheddig, isku aqoonsiga jinsiga, u jeedka jinsiga, iyo qaabka iyo
dhismeedka guud ee jirka. Waxaan yeelan karaa naafo waxbarasho, naafo jidh, ama dhibaato
caafimaad. Waxaas oo dhami waa qayb ka mid ah qofka aan ahay. Waxba kama qaban karo waxyaaba-
han oo idil, laakiin waxaan wax ka qaban karaa waxaan sameeyo iyo sida aan u dhaqmo.”

• • • • •

Hoggaamin macallin: “Waa iska caadi in la yeesho kurbo iyo dareemo kala duwan, oo ay ka mid
yihiin faraxsani, niyad xumo, cadho, wax xiiso u lahaansho wakhtiyo kala duwan. Qayb ka mid ah Hagidda ku saabsan ogaanta
daryeelka caafimaadka maskaxda iyo niyad wanaaga qofka uu baranayo in laga war hayo iyo in lala
socdo adiga dareenkaaga. Sidee baad ku ogaan karaa haddii aad u baahan tahay in laga caawiyo
iyo iyo daryeelidda ay
dareenkaaga?” caafimaadka dhimirkooda iyo
fayo-qabkooda.
Ardayga: “Haddii aad dareento mid ka mid ah sidaas muddo aad u dheer - tusaale ahaan, haddii aad
mar kasta dareento niyad xumo, welwel, ama daal – laga yaabaa inay taasi calaamad u tahay inaad
ugu baahan tahay caawimo si aad u ogaato waxa sababaya dareenkaas iyo waxaad ka qaban karto
arrintaas.”

• • • • •

Hoggaamin macallin: “Markaad gasho dhallinyaranimada, waxa laga yaabaa inaad bilowdo xidhiidho
noocyo kala duwan oo cusub ah iyo dareenno cusub aadan hore u lahayn. Xiriirka aad la leedahay
asaaggaaga ayaa dhici karta inay noqoto mid kurbo badan. Fahamka sida looga jawaabo dareennadan
iyo xaaladahan ayaa yarayn kara qaar ka mid ah kurbada la socda. Tusaale ahaan, haddii aad dareento
inaad 'qof u jeceshahay si gaar ah', waa maxay siyaabaha ku habboon ee aad macluumaadkaas kula
Hagidda ku saabsan u muujinta
wadaagi lahayd qof kale iyo siyaabaha aan habboonayn?”
ixtiraamka markay xiriirada
Ardayga: “Waxaad ku tusi kartaa inaad jeceshahay qof adiga oo aad ugu wanaagsanaada, adiga oo si tahay.
ka badan sidii hore ula la hadla, adiga waqtiga la qaata iyaga, ama adiga oo u sheega inaad jeceshahay
iyaga. Siyaabaha aad ugu muujinayso inaad jeceshahay qof ee aan habboonayn waxa ka mid ah adiga
oo taabta bilaa fasax, adiga oo xan uga faafiya dadka kale ama qadka, iyo adiga oo ka maadsada sida u
qofkaasi kuu soo jeedsado. Adiga oo la wadaaga dad kale sawirro gogol wadaag gaar idiin ah ama
adiga oo ku dhajiya qadkoo lagu jiro faallooyin ku lug leh gogol wadaag aan la aqbali karin oo waliba
ah sharci-darro.”

Tusaalooyin iyo wadahadalo cilmi-baaris ku salaysan ayaa bixiya dhacdooyin badan oo ah inay macalimiintu
inay ka fikiraan markay qorshaysanayaan.

5
GURIGA MARKA LA JOOGO: TAAGEERIDDA WAXBARASHADA ILMAHAAGA

Fikradaha soo socda ayaa ka yimid waalidiinta iyo dadka khuburada ku ah horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol
wadaagga. Waad tixgelin kartaa taas kolba markaad ka taageerayso ilmahaaga wax ka barashada laftooda, iyo horumarka
caafimaad-qabkooda iyo caafimaadka gogol wadaaggooda ku saabsan.

Bilaabitaanka hore
• Ka bilow la sheekaysi furan oo daacad ah oo ku saabsan qaybaha jirka, hawlahooda iyo isbeddelada jirka,
xiriirada caafimaad-qabka ah iyo xuduudaha, iyo caadooyinka nolaanta caafimaad-qabka ah.
• U isticmaal ereyada saxda ah qaybaha jirka.
• Bilow wadahadalka adiga laftaadu oo ilmahaagu ha ogaado inaad diyaar u tahay wadahadalka wakhti kasta.

Dhageysiga
• U dhageyso si feejignaan leh.
• Haddii aad wax welwel ah ka qabto arrimo suurtagal ah ama dhibaatooyin, ku maqal wax indhahaaga iyo waliba
dhegahaaga. Eeg tilmaamaha jirka oo ka war hay isbeddelka dabeecadda.
• Dhageyso ra'yi ka bixin la'aan, oo ka fogow jawaabo sal-fufudaydka ah, kuna fikir oo ku dhagayso maskax furan.
• Ansixi wuxuu ilmahaagu soo maray, oo uga mahadnaq la sheekaysigooda.

Abuuridda jawi furan iyo ku isticmaalka fursadaha maalin kasta in la wada hadlo
• Bilow sheekeysiga markaad wax kale qabanaysaan sida baabuur wadashada tababbarka ah, dhaqitaanka weelasha, qado
samaynta, laablaabka dharka ama lugaysiinta eyga.
• Isticmaal fursadaha ay ka midka yihiin qisooyinka warbaahinta, riwaayada TVga ama tusaalooyin ka yimid nolosha
dhabta ah si aad u bilowdaan sheekeysiga.
• Isticmaal faahfaahin fudud, toos ah oo sax ah, oo raadso macluumaad dheeraad ah haddii loo baahdo.Yeesha sheekeysi
ka dhexeeya qoyska oo dhan oo abuur fursado carruurtu/dhalintu ay wakhti la qaataan waalidiinta, dadka ilmaha
mas'uulka ka ah ama dadka kale ee daryeelka wadajir ahaan ama oo si gaar ah.
• Dulqaad yeelo oo furanow aammusnowga. U dhis kalsoonida ilmahaaga adiga oo siiya wakhti iyo ka fogi ay ku fikiraan.

Ku muujinta qiyamkaaga waxaad samayso iyo waxaad ku hadasho


• Carruurtaada ayaa wax ku waxay arkaan oo ay maqlaan, sidaad uga jawaabto warbaahinta iyo wararka, dugsiga, xiriirka
qoyska iyo isdhexgalka bulsheed.
• Tixgali fikir qalloocaaga iyo suuradayntaada markaad wada sheekaysanaysaan carruurtaada.

Sheekeysiga sii badiya


• Abuur fursado ay carruurtu ay ku weyddiin karaan su'aalo ama wax wax kaga faallloodaan. Haddii aadan isla markiiba
ka jawaabi karin, ballanqaad mar dhow arrintaad la soo qaadi doonto - oo ka dhabee.
• Qorsheyso inaad dib ugu soo noqoto sheekada hal mar wax ka badan si aad u dhisto, xoojiso oo aad uga jawaabto
su'aalaha.
• Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuuna doonayn inuu hadlo. Ku bilow in yar. Kolba markuu ilmahaagu sii muddakaro,
waxaad kala hadli kartaa arrimo ku saabsan kuwo ka sii culus sidii hore.

6
HALKA LAGA HELAYO MACLUUMAAD DHEERAAD AH

Hagahan waxa ka mid ah namuunad ka filitaan manhaj tusaalooyin ahaan ah. Eeg Manhajka Ontario, Fasalka 1-8:Waxbarashada
Caafimaadka iyo Jirka, 2015 oo loogu talagalay ka filitaanka manhajka. Marin uga hel manhajka manhajka halkan:
• www.edu.gov.on.ca/eng/curriculum/elementary/health.html

Wixii macluumaad sooyaal dheeraad oo ku saabsan u dhigitaan noolanta nolol caafimaad-qabka ah iyo horumarka aadanaha iyo
arrimah caafimaadka gogol wadaagga, ka eeg:
• Ku Nolaanta Caafimaad-qabka: Dib u eegga Horumarinta Aadanaha iyo Caafimaadka Gogol-Wadaagga bogga 38
• Dulmarka Qaybta Dugsiga Hoose (fasallada 1-3) bogagga 79-82, Dulmarka Qaybta Dhexe (fasallada 4-6) bogagga 125-128, iyo
Dulmarka Qaybta Sare Dhexe (fasallada 7-8) bogagga 179-182
• Lifaaqa ayaa ku yaal bogagga 224-225 loogu talagalay eegitaanta “jaleec ahaanta” ah ee waxay ardaydu baranayaan fasallada oo idil.

Horumarka Carruurta iyo Dhallinyarada


• Warbixinta Buuxda ee Qaab-dhismeedka waxbarashada Hore (ee loogu talagalay carruurta da'doodu tahay 0 illaa 8) www.edu.gov.
on.ca/childcare/oelf
• Stepping Stones, il ku saabsan horumarinta dhallinyarada (loogu talagalay dhalinyarada, da'da 12 illaa 25) www.ontario.ca/
steppingstones

Baaluqa
• Hospital for Sick Children (Isbitaalka Carruurta Bukta) -Ku Saabsan Caafimaadka Carruurta www.aboutkidshealth.ca

Sexual Health (Caafimaadka gogol wadaagga)


• Goob laga helo macluumaad ay soo saartay The Society of Obstetricians and Gynaecologists of Canada (Ururka Dhakhaatiirta
haweenka iyo dhalmada ee Kanada) www.sexualityandu.ca
• Websaytku yaal Alberta oo ku saabsan baridda iyo ka hadalka caafimaadka gogol wadaagga, iyada oo qayb loogu talagalay qayb
waalidiinta, ku jiraan ilo iyo baloog www.teachingsexualhealth.ca blog a.
• The Sex Information and Education Council of Canada (Golaha Macluumaadka iyo Waxbarashada Gogol Wadaagga ee Kanada)
isha su'aasha iyo jawaabta ku saabsan waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga ee dugsiyada www.sieccan.org/pdf/
she_q&a_3rd.pdf

Ka fiiri websaytka rugta caafimaadka deegaanka www.health.gov.on.ca/en/common/system/services/phu/locations.aspx

Tixraacyada
1. McKay, A., Byers, E. S.,Voyers, S. D., Humphreys, T. P., & Markham, C. (2014). Fikradaha iyo aragtida waalidiinta Ontario ay ka qabaan
waxbarashada caafimaadka arrimah gogol wadaagga ee dugsiyada. Canadian Journal of Human Sexuality, 23(3), 159–166
2. Hospital for Sick Kids, [Marin Loo helay Febrawari 2015], www.aboutkidshealth.ca
3. McKay, A., & Bissell, M. (2010). Waxbarashada dugsiyada ee caafimaadka gogol wadaagga: Su'aalo iyo jawaabo. Sex Information and Education
Council of Canada (golaha Macluumaadka iyo Waxbarashada Gogol Wadaagga ee Kanada) (SIECCAN). Laga soo qaatay: www.sieccan.org/pdf/
she_q&a_3rd.pdf
4. Public Health Agency of Canada (hay'adda Caafimaadka Dadwaynaha), tilmaamaha waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga, [rev. ed.], 2008, 38)
5. Wight, D., & Fullerton, D. (2013). Dib u eegista wax ka qabadyada waalidku horumarinayo caafimaadka gogol wadaagga ee carruurtooda.
Journal of Adolescent Health (Joornaalka Caafimaadka Dhalinta), 52 (1), 4-27

ISBN 978-1-4606-5894-9 (Print) ISBN 978-1-4606-5895-6 (PDF) (Somali)


© Queen’s printer for Ontario, (Daabacaadda Queen ee Ontario), 2015

También podría gustarte