Está en la página 1de 2

JAAWALI FOUNDATION

jamajawali@hotmail.com

Maamul guulaysta haddii aad aragto waa maamul raacay nidaambka maamul wanaaga
(good governance) ee caalamku isticmaalo Muslim iyo Gaal ba. Sidaas awgeed
walaalaha Soomaaliyeed ha ka faa’iidaysteen calaamahada lagu yaqaan maamul
wanaaga, kuwaas oo ah 8 da qodob ee hoos ku qoran:

1. Isku aragti isku ujeedo (Consensus Oriented)


Bulshadu waxyaalo badan ay ku kala aragti duwanaan kartaa. Maamul wanaagu
wuxuu u baahan yahay in danta guud la ilaaliyo. Muhiimadda waa in la siiyaa
ujeedada guud ee horumarka.

2. Mas’uuliyad iyo isla xisaabtan (Accountable)


Mas’uuliyad in laga ahaado shaqada aynu qabanaynaa waxa ay keento oo inalagu
xisaabtamo go’aamadeena aynu qaadano ee bulshada aynu wax ugu qabanayo.
Waa in uu jiraa qofkii ururka guddiyadiisa ama shaqaalihiisa ka mid ah oo khalad
sameeya in lagula xisaabtamo oo wax laga qaban karo, waayo shaqada aynu hayno
waxaa iska leh bulshada aynu u hayno mana lagu xadgudbi karo wixii loo hayey.

3. habka i tus oo I taabsii (Transparent)

Macnuhu waa in la fuliyo go’aamadii la qaatay loona fuliyo sidii ay


ahaayeen.Wararka ku saabsan shaqada aynu qabanay iyo
dhaqaalaha ku baxay iyo sida loo isticmaalay waa in sahal loo heli
karaa. Waa in nidaamka xisaabaadku u qoran yahay si la fahmi
karo.

4. Mas’uuliyada shaqada la qabanayo (Responsive)


Dhammaan dadka ama kooxaha ay khusaysaa waa in ay ka wada qaybqaataan,
iyadoo koox walba loo qondaynayo waqti go’an, kooxdaasina mas’uuliyada la
saaray ka soo baxdaa.

5. Shaqo qaybsi cadaalad ku dhisan (Equitable and exclusive)


Bulshada qaybaheeda kala duwan waxay doonayaan in ay ka muuqdaan
waxqabadka dhulkooda, sidaas awgeed waa in aan kooxna ama qofna aan laga
saarin ama aan laga reebin. Kooxaha oo dhan waa loo baahan yahay maadaama la
isku dan yahay.

6. Waxtar sida ugu haboon (Effective and effieciency)


Shaqada aynu qabanaynaa waa in natiijo ka soo baxdaa oo la dareemaa in wax la
qabtay (effective), ta labaad waa in xooga iyo xoolaha aynu haysano sida ugu
wanaagsan uguna haboon loo isticmaalaa (efficiency)
7. Ilaalinta sharciga (Follows the rule of law)
Maamul wanaagu wuxuu u baahan yahay sharci iyo kala dambayn in ay jirto,
laakiinse inaga dhulkeena dawlad xoog leh oo maamushaa ma jirto, waxaynu ku
dhaqanaa is ixtiraam iyo tolnimo in aynu isku tixgelino. Hase yeeshee cidii markaas
awood leh waa in ay ilaalisaa danta guud.

8. Ka qaybqaadasho (Participatory)
Ka qaybqaadashada bulshada guud ahaan rag iyo dumar hawlaha socda ee ururku
wado waa mid aad muhim ugu ah maamul wanaaga. Ka qaybqaadashadu waxay
noqon kartaa mid toos ah iyo mid dadban. Mid toos ah waa qofkii toos ururka ugu
shaqeeya, mid dadbana waa hay’ad ama cid kale oo loo wakiishay hawlaha ururka.
Cid kasta oo la doonayo in ay hawsha ururka ka qaybqaadato waa in la ogeysiiya
loona sheegaa wax ay qabanayso.

También podría gustarte