Está en la página 1de 2

Codsiga in laga qayb galo mashruuca cilmi baadhida “ xog qaadista xaalada nolosha ee

dhexda carruurta ku jirta fasalada 5-10”

Sooyaalka iyo ujeedadda


Cilmi baadhista Caafimaadka Uni waxaa la waydiistay inay qabto xog qaadistan nolosha iyo xaaladaha
koriinka ee carruurta iyo kurayda dhexdeeda gudaha fasalada 5-10 ee gudaha degmooyinka Askøy,
Fjell, Øygarden iyo Sund. Tani waa codsiga laga qayb galayo xog qaadistan.

Maxay ka qayb galayaasha xog qaadistan ku lug leedahay?


Dhammaan fasalada waxay helaan hal saac oo lagu tartamay su’aalo xog qaadis ah oo onlayn ah, kaas oo
carruurtu ka jawaabaan su’aalaha ku saabsan dugsiga, hawlaha firaaqada, guriyanyta iyo caafimaadka.
Dhammaan masuulada waxay waydiisteen inay qaataan su’aalo xog qaadis la mid ah.

Xog qaadista waxaa laga heli karaa halkan:


https://uniresearch.co1.qualtrics.com/SE/?SID=SV_9AhcsodqtPGIhp3

Link to the Questionnaire in English:


https://uniresearch.co1.qualtrics.com/SE/?SID=SV_6x9adjujtK4zrVj
Kelmadaada sirta ah iyo magaca isticmaalaha waxaa lagu soo diri doonaa iimayl.

Qarsoodiga iyo oggolaanshaha


Dhammaan macluumaadka la ururiyo waxaa loola dhaqmi doonaa qarsoodi. Dhammaan xogta waxaa la
habbeeyaa magac la’aan ama macluumaad la aqoonsado oo toos ah oo kale. Xogta gaarka ah waxay ku
xidhantahay xogta cilmi baadhida iyaddoo la marayo eray sir ah kaas oo keliya kooxda cilmi baadhidu
ay heli karto. Xogta waxaa la tirtiri doonaa dhammaadka mashruuca, Janaayo 2027. Natiijooyinka xog
qaadista waxaa loo baadhi doonaa oo la soo bandhigi doonaa qaab dammaana qaadaya inaan midna
adiga midna ilmahaaga la aqoonsan doonin.

Mashruuca waxaa oggolaaday Guddida Gobolka ee Caafimaadka iyo Anshaxa Cilmi baadhida, Gobolka
Galbeed.

Ka qayb galka aan qasabka ahayn ee xog qaadista


Ka qayb galayaasha mashruucani khasab maaha oo xataa haddii aad aqbasho inaad ka qayb gasho,
waad ka noqon kartaa oggolaanshahaaga wakhti kasta la’aan wax cawaaqib ah oo gaadha ilmahaaga.
Waxaad ku samayn kartaa tan addoo iimayl anaga noogu soo diraya hilde.sakariassen@uni.no.

Oggolaanshaha iyo ka qayb galka


Keliya carruurta wadata oggolaanshaha waalidka ayaa ka qayb geli kara xog qaadistan, sidaas awgeed
waxaanu ku waydiinaynaa haddii aad oogolaansho siiso ka qayb galka ilmahaaga oo lagu daray ka
jawaabida su’aalaha xog qaadista laftaadu. Oggolaanshaha waxaa loo bixiyaa elektarooni ahaan, oo
waxaa lagu waydiin doonaa haddii aad doonayso inaad bixiso oggolaanshahaaga marka aad isticmaasho
linkiga su’aalaha xog qaadista.

Oggolaanshaha ka qayb galka daraasadan waa kala soocayahay oo waxaad dooran kartaa qaybta aad
doonayso inaad ka qayb gasho.

• adiga sidii masuul buuxi su’aalaha xog qaadista onlaynka ah.


• Ilamahaagu waxa uu buuxin karaa su’aalaha xog qaadista onlaynka ah muddada saacada dugsiga

Daraasadu waa wada shaqaynta u dhexaysa degmooyinka Askøy, Fjell, Sund iyo Øygarden, RKBU West, Uni
Research Helse, oo waxaa maal gelinaya mashruuca badhasaabka degmadda oo ku lid ah saboolnimada carruurta.
• Xogta laga soo urursho daraasadan waxaa lagu xidhi karaa macluumaadka diiwaangelinta ku
salaysan, sida fasalada dugsiyada iyo soo xaadirka dugsiga ( ee ka yimid Kaydka xogta Waxbarashadda
Qaranka) iyo imtixaanada qaranka, iyo macluumaadka kusaabsan dakhliga qoyska iyo waxbarashadda
waalidka ( ee ka timid diiwaanka Tirakoobka Norway). Ku xidhidan waxay u baahntahay tallooyinka
ka yimid Guddida Gobalka ee Caafimaadka iyo Anshaxa Cilmi baadhida Caafimaadka.

Yaa ka masuul ah daraasada?


Mashruucan waxaa laga bilaabay degmooyinka, oo Cilmi baadhista caafimaadka ee Uni waxay ka
masuultahay hirgelinta xog qaadista, Mashruuca waxaa hogaaminaya Tormod Bøe.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca waxaa laga heli karaa: www.fjell.kommune.no.


Haddii aad hayso su’aalo ama aad jeclaan lahayd macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan daraasada,
fadlan la xidhiidh Marit Sigurdson telefoon ahaan 55097373, ama iimayl:
marit.sigurdson@fjell.kommune.no.

Haddii ay haysato dhowr carruur ah oo ka qayb galaya xog qaadista, waxaanu ku waydiisanaynaa inaad
xusuusato inaad isticmaasho foomka saxda ah ee ilmaha saxda ah.

Daraasadu waa wada shaqaynta u dhexaysa degmooyinka Askøy, Fjell, Sund iyo Øygarden, RKBU West, Uni
Research Helse, oo waxaa maal gelinaya mashruuca badhasaabka degmadda oo ku lid ah saboolnimada carruurta.

También podría gustarte