Está en la página 1de 21

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

GOLAHA WAKIILADA

XEERKA DIIWAANGELINTA CODBIXIYAYAASHA. (XEER LR. 37/2007 )

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Golaha Wakiilada
Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha

Xeer Lr. 37/2007


Markuu Arkay: Markuu arkay: Qoddobada 4aad, faq (1), 8aad faq.(1), 9aad faq.(1), 22aad,. faq.(2)111aad, faq(2) ee dastuurka qaranka JSL. In ay muhiim tahay in laga faaiidaysto waayo aragnimadii laga dhaxlay doorashooyinkii kala duwanaa ee ay soo martay ummada Somaliland taas oo muujinaysa in loo baahan yahay in la adkeeyo nidaamka sharci ee suurto gelinaaya in ay muwaadiniintu cod-kooda ku dhiibtaan isla markaana la tir-tiro in ay dhacdo in lagu noq-noqdo cod-bixinta taa soo sharci-daro ah.

Markuu xaqiiqsaday: In habka ugu wanaagsan ee lagu sixi karo nidaamka doorashadu uu yahay in la abuuro nidaam lagu Diwaan-gelinayo dhamaan cod-bixiyeyaasha taas oo sahlaysa in cod-bixiyeyaashu ay si sahlan codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada. Markuu ka Dooday:

Wax-ka bedelka iyo soojeedinta golaha guurtidu ay ku sameeyeen mashruuc sharcigan.

Wuxuu ansixiyey soona saaray Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007

WUXUU

SOO SAARAY:

XEERKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYEYAASHA


CUTUBKA KOOWAAD

QODOBKA 1AAD MACNAHA ERAY-BIXINTA 1. Diiwaanka: Waxa loola jeedaa diwaanka lagu qoro magacyada cod-bixiyayaasha ee goob-doorasho kasta.

2. Diiwaanka Guud: Waxa loola jeedaa diiwaanka dhexe ee la dhigo xarunta komishanka doorashooyinka kaasoo lagu kaydiyo dhammaan magacyada codbixiyeyaasha qaranka Somaliland 3. Cod-bixiye: Waxaa loola jeedaa muwaadin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto, lana doorto islamarkaana gaadhay dada cod-bixinta. Waxaa loola jeedaa qof kasta oo buuxiyay shuruudaha uu tilmaamayo xeerka jinsiyaddu xeer Lm. 22/2002.

4. Muwaaddin:

5. Diiwaanka Gobolka ama Degmada: Waxaa loola jeedaa diiwaanka heer gobol ama degmo 6. Kaadhka Cod-bixinta: Waxa loola jeedaa kaadhka la siiyo codbixiyaha marka la diiwaan-geliyo. 7. Kaadhka Aqoonsiga: Waxaa loola jeedaa muwaaddinimo (teesarada) 8. Komishanka: 9. Wakiil Xisbi; kaadhka aqoonsiga

Waxaa loola jeedaa komishanka doorashooyinka qaranka Waxa loola jeedaa xubinta uu xisbi u soo magacaabo in uu wakiil uga noqdo goobaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.

10. Goob-joogayaal: Waxa loola jeedaa kormeerayasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha. 11. Dastuur: Waxa loola jeedaa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 5 Qaranka

QODOBKA 2AAD MABAADIIDA GUUD Xeerkan waxaa lagu Qaranka Somaliland maamulayaa Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha

QODOBKA 3AAD SHAQADA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka Somaliland ka dhaqan-gelinayaa hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha. QODOBKA 4AAD DIIWAANKA COD-BIXIYEYAASHA QARANKA SOMALILAND Xeerkani waxa uu aasaasay Diiwaanka cod-bixiyeyaasha Qaranka Somaliland, Diiwaankaasi oo lagu diiwaan-gelin doono dhammaan muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto ama la doorto, sida ku cad Dastuurka yo Xeerarka kale ee dalka. Diiwaanku waxa uu noqonayaa Dokumenti lagu kaydiyo Qalabka Kombiyuutarka iyo qoraal oo ka kooban dhammaan xogaha laga qoro muwaaddinka marka loo diiwaan-gelinaayo cod-bixiye ahaan. QODOBKA 5AAD DAABACAADDA DIIWAANKA COD-BIXIYAYAASHA. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa xil ka saaran yahay habaynta, dhaqan-gelinta iyo daabacaadda diiwaanka codbixiyeyaasha. Diiwaanka guud waa in la dhigo xarunta Komishanka qaranka, waxaana maamuli doona Waax gaar ah oo uu madax ka yahay masuulka diiwaanka codbixiyeyaasha ee Qaranka,oo ay magacaabayaan komishanka qaranku, waxa kale oo jiraya diwaanka gobolka, degmada, iyo goobta.

LA HAANSHAHA DIIWAANKA. Diiwaanku waa hanti ummadeed waxaanu u furan yahay dadweynaha. Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay in uu la socdo

QODOBKA 6AAD

habaynta, dhaqan-gelinta, iyo daabacaadda Diiwaanka. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu Xarunta uu yaallo Diiwaanku uu ka helo xog kasta oo uu u baahdo oo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

QODDOBKA 7AAD HAWL-GALKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYA-YAASHA & SUGIDDA MUWAADINIMADDA


Bilawga Hawl-galka diiwaan-gelinta cod bixiya-yaasha waxa sal-dhig iyo gun-dhig u ah Qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro. 1) Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada Qofka Somalilanderka ah (Nationality ID card) iyo tan Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha (Registration Card) oo mar la wada qabanayo, is-diiwaan-gelinta ugu horaysa oo kaliya 2) Maadaama Xeerka Jinsiyada xeer lambar 22/2002 Qoddobkiisa saddexaad (3) farqada 1aad Xarafka A & B anu sahli karin, lana jaaan-qaadi karin sugida Muwaadinnimada & Diiwaan-gelinta codbixiyaha, iyada oo aan laga heli karin Maxkammadd goob-kasta, ayaa waxa leh awoodda bixinta Aqoonsiga Muwaadinka Wakiiladda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiilka Maxkammada, iyada oo ay goob-joog yihiin Wakiiladda Komishanka & Xisbiyada. 3) Goob kasta oo Diiwaan-Gelineed waxa ka hawl-galaya: Wasaarada Arrimaha Gudaha laba Xubnood Wakiilka Maxkammada Hal Xubin Komishanka Qaranka laba Xubnood Wakiilada Xisbiyada Saddex Xubnood Qoddobkani waxa uu si gaar ah dhaqan gal u ahaanaya xilliga diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee u horaysa. Wakhtiyda lagu jiro xilliyada aanay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu jirin waxa la adeegsanaya Qoddobka 3aad ee Xeerka Jinsiyada Xeer Lambar 22/2002. 4) Diiwaan-gelinta jarooyinkan :waxa loo raacayaa heerarkan ama jaran-

b. Qofkasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo wuxu soo maraya Wakiiladda Wasaaradda & Wakiilaka Maxkammada ka dib marka ay sugnaato 7

muwaadinnimadiisnau wuxu u gudbaya Wakiiladda Komishanka oo diiwaan-gelin dooa iyaga oo Wakiiladda Axsaabtuna ay goob joog-yihiin. t. Waxa isla goobtaasi lagu wada siinaya qof kasta oo ay u sugnaatay Muwaadinimadiisu Kaadhka Muwaadinimadda (Nationality Card) iyo kan diiwaangelinta cod-bixiyaha (Registration Card). j. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinaya, laguna dhaarto in uu muwaadin yahay waxa uu Masuulka Wasaaraddu gelinaya formka rasmiga ah, waxana lagu qorayaa magaca oo afran, sanadka dhalashada lab & dhedig in uu yahay qof xaas leh iyo in kale, ka dibna Masuulku ku saxeexo wakiilka maxkammada hortiisa. 5) Qofka ay Wasaaradda & Maxkammadu ay sugi kari waydo Muwaadinimadiisa waxa lagu war-gelinayaa in uu wakhti cayiman Guddigga horteeda ku keeno Caaqil, haddii ay suurta-geli waydana uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh Degaanka, oo caddeeyaa in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna dammiinto hantiddiisa. 6) Maxkammadaha Racfaanka ee Gobolladda ayaa magaacabaya Wakiiladda Maxkammadaha ee uga qayb-gelaya goobaha diiwaangelinta cod-bixiya-yaasha , Wakiiladda maxkammadaha & xisbiyadu waa in ay sitaan warqad Wakaaladda rasmiga ah iyo kaadhadh aqoonsi (ID card). 7) Diiwaan-gelintu waa hawl qaran oo soconaysa muddo cayiman (periodic process). QODDOBKA 8AAD FORMKA DIIWAAN-GELINTA Formka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, Diiwaan-gelinta oo dhammaystiran ayuunba la gelin karaa diiwaanka. Formka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa ugu yaraan xogaha hoos ku qoran ee Cod-bixiyaha :1. Magaca Cod-bixiyaha oo afran una qoran sida uu ugu qoran yahay formka Muwaadinimda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Sanadka uu dhashay iyo meesha uu ku dhashay 3. Lab ama dhedig

4. Goob-doorasho Gobol ee uu cod-bixiyuhu ka dhiibanayo codkiisa 5. Sawirka cod-bixiyaha. 6. Saxeexa cod-bixiyaha ama tilmaan tusaysa in aanu cod-bixiyuhu saxeexi karayn 7. Lambarka gaarka ah ee lagu diiwaan-geliyay cod-bixiyaha 8. lambarka tix-raaca diiwaan-gelinta cod-bixiyaha 9. lambarka warqadda Aqoonsiga (ID Card Number) 10. Komishanka Doorashooyinku waxa uu awood u leeyahay in uu ku daro formka Diiwaan-gelinta xog kasta oo dheeraad ah oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay in ay qabsoonto doorasho Dimuqraaddi ahi, isagoo kala tashanaya Axsaabta Qaranka. QODDOBKA 9AAD SHAQAALAHA KA HAWL-GALAYA SUGITAANKA JINSIYADDA Shaqaalaha loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinimo waxa lagu xulanaya shuruudahan:1. Waa in uu Muwaadin reer Somaliland ah yahay. 2. Waa in aan dadiisu ka yaraan 25 jir. 3. Waa in uu Caafimaad qabaa jidh ahaan & Maskax ahaanba. 4. Waa in aanu xukun maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin. 5. Waa in uu leeyahay aqoon Dugsi Sare, heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma. 6. Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo & Aaminaad Bulshada dhexdeeda ah, sumcadna ku leeyahay. 7. Sifooyin ka kalana waxa uu la wadaagaa, sifaha lagu xullanayo Shaqaalaha Diiwaan gelinta.

QODOBKA 10AAD REEBBANAAN Waxa reebban in shaqsiyaadka hoos ku xusan loo diwaan geliyo codbixiyayaal ahaan: 1. Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan) 2. Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.

3. Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan 4. Qofka aan gaadhin dada cod-bixinta

QODOBKA 11AAD SHAQAALAHA DIIWAAN-GELINTA 1. Si loo dhaqan-geliyo Diiwaan-gelinta, Komishanku waa in uu shaqaaleeyaa shaqaale khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaan-gelinta, oo ay ka mid yihiin: a) Masuulka Diiwaanka Qaranka oo masuul ka noqon doona maamulka Diiwaanka islamarkaana ah madaxa Waaxda Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka; b) Masuulka Diiwaanka ee Gobol kasta; c) Masuuka Diiwaanka ee Degmo kasta. Haseyeeshee Degmooyinka ay ku nool yihiin dadweyne badani, Komishanku waxa uu xafiisyada Diiwaan-gelinta ee heer Degmo u magacaabi karaa in ka badan hal masuul, si hawsha doorashadu si habsami ah ay ugu dhaqangasho oo loo qabto; d) Masuulka Diiwaanka ee goob kasta oo cod-bixineed. 2. Shaqaalaha loo qaadanaayo xafiisyada kala duwan ee Diiwaan-gelintu waa in ay noqdaan dad reer Somaliland ah oo ka madaxbannaan siyaasadda oo lagu soo xushay khibradda iyo aqoonta looga baahan yahay booska uu ka shaqaynaayo. Inta aan qofka la shaqaalayn ka hor, Komishanku isagoo ka duulaaya shuruudaha heer caalami (international criteria), waa in uu qeexo: a) Shuruudaha iyo xirfadaha looga baahan yahay qofka loo qaadanaayo booska; b) Habka loo raacayo xulashada Shaqaalaha; iyo c) Waajibaadyada shaqo ee qof kasta (boos kasta) uu ku lahaanayo geeddi-socodka hawsha Diiwaan-gelinta. Booska Masuulka Diiwaanka heer Qaran waa mid joogto ah. 3. Qaabdhismeedka maamulka goobaha diiwaan gelinta waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka qaranka.

CUTUBKA LABAAD DIIWAAN-GELINTA CODBIXIYEYAASHA

10

QODOBKA 12AAD DHAQAN-GELINTA DIIWAAN-GELINTA 1. Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

2. Diiwaan-gelintu waxa ay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badnayn saddex bilood. 3. Komishanku isagoo adeegsanaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco islamarkaana baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan. 4. Komishanka waxaa ku waajib ah in uu baro islamarkaana ku wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaan-gelintu leedahay. 5. Si arrintaa loo suurto-geliyana Komishanku waa in uu diyaariyaa barnaamij qayb ka ah geedi-socodka Diiwaan-gelinta oo loogu talogalay in lagu baro laguna wacyi geliyo dadwaynaha in ay isu diyaariyaan doorashada. 6. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xiliga la bilaabaayo diwaangelinta cod-bixiyayaasha, isaga oo ku soo saaraaya digreeto Madaxweyne ka dib marka uu helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka muddo shan iyo toban maalmood gudahood. Qodobka 13aad
ANSIXINTA DIIWAANGALINTA COD-BIXIYAYAASHA

Komishanka ayaa ansixinaaya Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase ahaatee, Komishanku waa in uu furo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha muddo aan ka yarayn bil gudaheed, lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta si loo diiwaan-geliyo cod-bixiyeyaasha cusub iyo wixii isbedel ku yimid cod-bixiyeyaashii hore loo diiwaan-geliyay, Isla markaa kaadhadhka cod-bixinta ee hore loo bixiyey waxay noqonayaan kuwo ansax ah. QODDOBKA 14AAD GOOBTA DIIWAAN-GELINTA Iyadda oo laga duulayo waaya-araginimaddii aynu ka helnay Doorashooyinkii hore-

11

b) Komishanku waxa uu cayimayaa Goobo-doorashooyin, waxaanu dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha doorashooyinka, iyada oo uu siinaayo goob-doorasho kasta tirsi lambar (code) oo gaar u ah goob kasta. t) Cod-bixiyaha waxa laga diiwaan-gelinaya Goob-doorasho cayiman. j) Cod-bixiye kastaa, waxa uu codkiisa ka dhiibanayaa maalinta cod-bixinta Doorahooyinka Goobtii hore looga diiwaan-geliyay oo kaliya.

QODOBKA 15AAD DOORKA SHAQO EE WASAARADDA Doorka shaqo ee ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku yeelanayso geeddisocodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu waxa uu noqonayaa iyadoo la raacaayo sida ku xusan Qodobka 4aad ee Dastuurka iyo Xeerka Jinsiyadda ee tirsigiisu yahay 22/2002; sidaas darteed, Wasaaraddu waa in ay kala caddayso muwaaddinnimada shakhsiyaadka raba in ay isu diiwaangeliyaan cod-bixinta doorashada. Hawsha shaqo ee Wasaaradda ee ah in ay xaqiijiso muwaaddin-nimada muwaaddiniinta waa in ay Wasaaraadu qabataa ka hor inta aan diiwaan-gelinta la bilaabin balse hawsha diiwaangelintuna ay socoto. QODOBKA 16AAD WAKIILLADA ASXAABTA QARANKA ( GOOB-JOOGAYAAL) Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu magacaabayaa wakiil uu u soo dirsado goob kasta oo diiwaan-gelineed. Wakiilada Xisbiyadu waxa ay hubinayaan in geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu waafaqsan yahay sharciga, iyo in aanay dhicin wax kala takoorid ahi, iyo in aan muwaaddin looga reebin diiwaan-gelinta si sharci-darro ah, iyo in ay xaqiijiyaan in nidaamka loo raacay geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu yahay mid sax ah. Wakiillada Xisbiyadu way diiwaangelin karaan wixii cabasho ah ee arrimahaas ku saabsan. Qodobka 17aad Nidaamka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Maalin kasta inta aan la furin Codbixiyeyaasha waxaa waajib ku ah :goobta lagu diiwaan-gelinaayo

1. Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiillada Xisbiyadu waa in ay is xaadiriyaan islamarkaana ay saxeexaan qalabka diiwaan-gelinta iyagoo diiwaan-gelinaaya lambarka tixraaca Foomka Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan. 12

2. Marka ay shaqada dhammeeyaanna waa in sidaas si la mid ah ay magacyadooda ugu saxeexaan iyagoo sheegaaya tirada muwaaddiniinta ay diiwaan-geliyeen maalintaa; inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen, gaar ahaan haddii ay jiraan foomam xumaaday ama si qaldan loo daabacay; inay qoraan tirsiga lambarka foomamka aan la isticmaalin. 3. Wakiillada Xisbiyadu, ka hor inta aanay saxeexin, waxa ay xaq u leeyihiin inay dhiibtaan wixii talo ah ama cabasho ah ee la xidhiidha diiwaan-gelinta maalintaas. 4. Labada Dokumenti ee la saxeexay waa in nuqullo ka mid ah la siiyo Masuulka ka socda Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiillada Xisbiyada ee goobtaas jooga. 5. Haddii mid ama in ka badan oo wakiillada Xisbiyada ka mid ahi ay diidaan in ay saxeexaan dokumentiga, masuulka ka socda Komishanka Doorashooyinku waa in uu arrintaas diiwaan-geliyo. Si kastaba ha ahaatee, ka baaqsashada uu wakiil ka mid ah Xisbiyadu ka baaqdo in uu saxeexo dokumentiga waxba ma yeelayso (uma dhimayso) hawsha Diiwaan-geinta. Qodobka 18aad Hawsha Masuulka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Marka uu masuulka Komishanka Doorashooyinka Qaranku helo nuqulka caddaynaya muwaadinnimada cod-bixiyaha waxa uu qabanayaa hawlahan soo socda: 1) Masuulku waa inuu waydiiyo cod-bixiyaha in ay rasmi yihiin xogaha la geliyay foomka muwaadinnimada. 2) Masuulku waa inuu xogta sare ku xusan geliyo Foomka diiwaangelinta cod-bixiyaha, isla markaana uu u akhriyo cod-bixiyaha. 3) Cod-bixiyuhu waa inuu suulka bidix dhigo ama saxeexo Foomka diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo kaadhka codbixinta, 4) Cod-bixiyaha waa in la sawiraa isla markaana la siiyaa kaadhka codbixinta. 5) Cod-bixiyuhu waxa uu qaadanayaa kaadhka codbixinta, iyadoo ay joogaan masuulka iyo wakiillada Xisbiyada Siyaasaddu. 6) Cod-bixiyuhu waa inuu saxeexaa inuu qaatay kaadhka cod-bixinta. Qodobka 19aad Cabashadda Cod-bixiyaha ee xogta foomka la galiyay Haddii uu cod-bixiyuhu sheego in aanuu ku qanacsanayn xogaha lagu buuxiyay (la geliyay) Foomka muwaadinnimada, masuulka Komishanka

13

Doorashada Qaranku waxa uu nuqulkaasi ku celinayaa masuulka wasaaradda si uu u saxo. Qodobka 20aad Cod-bixiyaha aan lahayn awooda saxeexa Haddii cod-bixiyuhu aanu saxeexi karahayn Foomka Diiwaan-gelinta, waxa uu ku saxeexayaa Suulka oo uu saarayaa. Haddii uu cod-bixiyuhu naafo yahay oo aanu adeegsan karahayn suulka bidix , waxa uu adeegsanayaa suulka gacanta midigta, waase in sababta lagu qoro diiwaanka. Haddii uu codbixiyuhu naafo dhammaystiran yahay waa in arrintaa lagu sheego Foomka Diiwaan-gelinta. Qodobka 21aad Sixitaanka dada Haddii uu muwaadinku yahay mid aan gaadhin dada doorashada xiliga diiwaan-galinta, balse uu gaadhayo dada doorashada wakhtiga doorashada, qofkaasi waa la diiwaan-gelinayaa kaadhka cod bixintana waa la siinayaa. Qodobka 22aad Habka xafidaada qalabka Diiwaan-gelinta 1. Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu, dhammaan Foomamka diiwaangelinta iyo Foomamka muwaadinnimada iyo qalabka kale ee loo isticmaalay diiwaangelinta waxa lagu celinayaa oo la dhigayaa si looga qaado maalinta shaqo ee xigta xafiiska diiwaangalinta ee Degmada. Haddii sidaas la yeeli waayo, Masuulka Diiwaangelinta Degmada waxa xil ka saaran yahay in sida ugu dhakhsaha badan uu u wargeliyo Booliiska islamarkaano uu faro in masuulka qaladkaasi ku kacay la soo qabto loona keeno masuulka Degmada; Haddii uu qaladku yahay mid ku yimi dhayalsi ama si niyad xumo ah, masuulka Degmadu waxa uu islamarkaaba shaqada ka eryayaa masuulka ku kacay falkaasi ama waxaa lagu ciqaabayaa Xeerka Ciqaabta iyadoo loo eegaayo xaaladda iyo hadba culayska fal-dambiyeedkaasi uu leeyahay. 2. Meelaha ay jirto gaadiid xumo, dokumentiga waxuu ku dhaxayaa diiwaangaliyaha goobta oo u gudbin doona diiwaangaliyaha Degmada hal mar todobaadkiiba maalinta khamiista. Haseyeeshee masuulka diiwaaangeliyaha ah waxa uu xil ka saaranyahay qorista iyo xafidaada diiwaanka hawl maal- meedka diiwaan-gelinta oo dhan sida ku qeexan Qodobka 17aad ee Xeerkan. Komishanka ayaa goaaminaya goobdoorashooyinka uu qodobkani saamaynayo, iyagoo la tashaday xusbiyada qaranka 3. Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa 6:00 subaxnimo,waxaanay dhammaanaysaa 6:00 galabnimo,haddii dib u dhac

14

ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas,haddii dib udhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa,sidaasina uu war bixinta uu ku guddbiyaa. Haddii la gaadho 6:00 galabnimo oo ay joogaan dad aan la diiwaan gelin,waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka,waxaana la diiwaan gelinayaa dad kaas ilaa in ta ay ka dhammaanayaan dadka markaas joogaa. Qodobka 23aad Waajibaadka Masuuliyiinta Diiwaan-gelinta 1. Masuulka diiwaangalinta ee heer Degmo wuxuu habaynayaa oo uu haynayaa gelinayaana warbixinada diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba Foomka uu siin doono Komishanku, wuxuuna u gudbinayaa masuulka heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangalintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa. Masuulka heer Gobolna ka dib markuu soo ururiyo warbixinta degmooyinka gobolka wuxuu u gudbinaya warbixin dhamaystiran komishanka qaranka. 2. Komishanka waxa waajib ku ah inuu todobaad kasta ku daabaco Wargaysyada Qaranka kana baahiyo Idaacadaha iyo Telefeeshinka tirada muwaadiniinta is diiwaangelisay iyo inuu sidoo kale qaado talaabooyin uu dadka ku wacyi gelinayo si ay suurtogal ugu noqoto in ay isdiiwaangeliyaan tirada ugu badan ee suurto galka ahi. Komishanku wuxuu bixinayaa dhammaan Foomamka loo baahdo oo dhan. Warbixintuna waa inay lahaato saxeexa masuulka soo diray. Qodobka 24aad Hab qoraalka magacyada Magaca cod-bixiyaha waa in lagu qoro xuruuf la isla wada sar-gooyey; waana in aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta Komishanku u adeegsanayaan diiwaangalinta.

QODDOBKA 25 MURANKA DADA COD BIXIYAHA. Haddii Masuulka Wasaaradda ama wakiilka Maxkamaddu aanay hubin ama mugdi ka galo dada muwaadinku in ay gaadhay dadii cod-bxintadoorashada waxa la waydiinayaa oo la qaadanaya dada uu sheego Waalidkii , haddii la waayana waxa goaan ka gaadhaya Masuuliyiinta Goobta.
CUTUBKA SADDEXAAD

15

LIISKA COD-BIXIYEYAASHA

Qodobka 26aad Soo Saarista Liisaska Komishanka Doorashooyinka Qaranku, isagoo ku salaynaya liiska magacyada diiwanka ku jira, waa in uu soo saaro liisaska kala duwan ee codbixiyayaasha ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda Doorashada. Si uu u noqdo liis cod-bixineed oo rasmi ah (official). Liis kastaa waa inuu yeeshaa shaambadda Komishanka iyo saxeexa xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 27aad Daabacaada Iyo Soo Bandhigada Liisaska 1. Shan bilood ka hor maalinta doorashada, waa in la gaadhsiiyo masuuliyiinta diiwaan-gelinta goobaha diiwaan-gelineed, lana bilaabo diiwaangelinta iyada oo koobaysa magaca cod-bixiyaha iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay. 2. Liisku waa inuu ku daabacan yahay waraaqaha rasmiga ah ee Komishanka waana inuu leeyahay shaambadda xafiiska. 3. muddada Diiwaan-gelinta haddii ay dhamaato, ayse goobta ay ku sugan yihiin dad aan is diiwaan-gelin oo doonaya in ay is Diiwaan-geliyaan waa in diiwaan-gelintu socata ilaa dadka joogaa dhamaadaan. Qodobka 28aad Saxitaanka Xogaha Khaldama 1. Cod-bixiyaha ku arka wax ka qaldan liiska diiwaangelinta oo isaga ku saabsan, waa inuu u sheego masuulka diiwaangalinta kuna qoro qaladka saxeexana foomka loogu talo galay arintan. Masuulkanina waa inuu sida ugu dhakhsaha badan u sameeyo sixitaan, warbixinna u gudbiyo masuulka diiwaanka heer qaran isagoo u sii marinaya masuullada heer Degmo iyo Gobol. 2. Cod-bixiyaha beddela deegaankiisa intii la diiwaangeliyay kadib, ee jecel inuu ka codeeyo goob doorash kale, waa inuu ugu tago masuulka diiwaanka Degmada inta aanay dhammaan muddada labada toddobaad ah ee ku xusan Qodobka 27aad ee Xeerkan isagoo tusaya masuulka kaadhkiisa cod-bixinta una sheegaya goob- doorashada kale ee uu jecelyahay inuu ka codeeyo. Masuulka diiwaangelinta Degmaduna waa

16

inuu bedddelka goob-doorashada ku qoro Foomka loogu talo galay una gudbiyo masuulka diiwaangelinta Qaranka. 3. Marka ay dhammaato muddada loogu talo galay beddelka iyo sixitaanku, masuulka diiwaangalinta Qaranku wuxuu xog faahfaahsan ka diyaarinayaa dhammaan wixii is- beddelay, wuxuuna xogtan u gudbinayaa Komishanka si loo ansixiyo loona ogolaado in isbeddeladan la geliyo Diiwaanka. Qodobka 29aad Soosaarista Liisaska Kama Dambaysta Ah Marka la diiwaangeliyo dhammaan wixii isbeddel ah, waxaa la diyaarinayaa lana gelinayaa Kombiyuutarka liiska kama dambaysta ah oo noqonaaya liiska uu Komishanku amri doono in laga daabaco dhammaan liisaska loo baahan yahay sida ay jidaynayaan Xeerarka Doorashooyinku iyo hadba sidii kale ee uu Komishanku u arko in ay lagama maarmaan u tahay habsami-u-socodka doorashada. Markay hawshani dhamaato, Komishanku wuxuu siinayaa hal nuqul liiskii oo ah elektroonik ( electronic format) wasaaradd Arimaha Gudaha, xisbiyada siyaasiga ah. Liiskaas oo habaysan heer degmo iyo goob codbixineed waxa ka koobnaanayaa magacyada codbixiyeyaasha oo dhan oo hurmaysan sida xuruuf magacyada u kla horeeyaan ( alphepetical order) iyo lambarka u gaarka ah ee mid waliba leeyahay. CUTUBKA AFRAAD KAADHKA COD-BIXINTA Qodobka 30aad Qaybinta Kaadhadhka Cod-Bixinta Komishanku waa inuu siiyo kaadhka cod-bixinta muwaadin kasta oo isdiiwaangaliyay. Si uu muwaaddinku u adeegsado xaqa doorashada waxa lagama maarmaan ah inuu muwaaddinku tago goobaha codbixinta isagoo sita kaadhka codbixinta.

QODDOBKA 31AAD XOGTA LAGU QOTAYO KAADHKA Kaadhka Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha waxa waajib ah in ay ku qornadaan xogtan hoose:1) 2) Magaca oo afran. Sawirka Cod-bixiyaha.

17

3) 4) 5) 6) 7) 8)

Saxeexa Cod-bixiyaha ama Suulka. Lambarka Warqada aqoonsiga (ID Card). Lambarka Tixraaca Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha. Sanadka uu dhashay. Lab ama Dhedig. Goobta Doorashada uu Cod-bixiyuhu ka dhiibanayo Codkiisa.

Qodobka 32aad Nooca kaadhka Cod-bixinta Kaadhka cod-bixintu waa inuu ka samaysanyahay shay aan si fudud u duugoobayn ama dhammaanayn oo aan la foojari-garayn karahayn. Kaadhka cod bixintu wuu nasakhmayaa lana ogolaanmaayo in lagu codeeyo haddii uu kaadhku tirtiran yahay ama ay qaybi ka maqantahay oo aan la akhriyi karahayn. Qodobka 33aad Reebanaanta Halka Kaadh Wax Ka Badan Muwaadinna looma oggola inuu qaato ama haysto hal kaadh cod bixin wax ka badan. haddii lagu helo si khiyaamo ama been abuur ah ama lagu siiyo cod bixiye, ama haysashada hal kaadh in ka badan waxay noqonaysaa been abuur lagula kacay dokumenti Dawladeed. Qofkasta (hawlwadeenada iyo cod-bixiyayaasha) oo falka noocan ah ku kacaana waxa uu mudan yahay oo lagu ciqaabi doonaa sida uu tilmaamaayo Xeerka Ciqaabtu. Hayad kasta oo awood u lehna waxa uu xil ka saaran yahay inay talaabo sharci ka qaado qofka falkan oo kale ku kaca. Qof kasta oo siiya war qaldan masuulka diiwaan-gelinaya, waxa uu mutaysanayaa in lagu Ciqaab mariyo sida uu tilmaamayo Xeerka Ciqaabtu. Waxaa ciqaabtaas oo kale yeelanaya masuulka wasaarada arrimaha guddaha ee bixiya foomka muwaadinnimada,siiyana qof aan muwaadin ahayn. Qodobka 34aad Lumista kaadhka Cod-bixinta Qof kasta oo uu ka lumo ama ka xumaado Kaadhka codbixintu, waxa uu waydiisan karaa Komishanka ama wakiilladiisa heer Degmo ama Gobol in la siiyo mid cusub. Marka sidaas laga soo codsado,lana caddeeyo sababta lumista, Komishanku waa in uu siiyaa Kaadh codbixineed oo cusub, si looga taxadiro in la foojari-gareeyo Kaadhkana waa in la tir-tiraa ka hore QODDOBKA 35AAD 18

WAX-KA-BADDELKA KAADHKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYAHA

Mashruuca Xeerka Golaha Wakiiladda ka yimid waxa uu ahaa Qoddobka 35aad, isga oo aanu faqrad labaad ku darnayna waxa uu u qormaya sidani:1) Iyada lagu xisaabtamayo horumarka tiknoolajiyada ee casriga ah ee saammayn kara kaadhka cod-bixinta aqoonsiga shakhsig, isla markaana aanu Komishanaka dabrayn muuqaalka Kaadhka aqoonisgu uu yeellanayo ee uu Xeerkani waajibiyay, ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa u awood u leeyaay in uu wax-ka-badelo kaadhka aqoonsiga Cod-bixinta ama uu nooc cusub uusoo saaro, isaga la tashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Siyaasadda. Si kasta ha aheetee, wuxu hubinayaa Aaladda/qalabka, Tiknoolajiyadda ee la isticmaalayo in ay tahay ta ugu habboon ee aan mad-madaw lahayn (transparent) sugaysana ammaanka Diiwaanka marka loo eego awooda iyo xaaladda dalku ku jiro. 2) Kaadhka Cod-bixinta Xilliga Doorashadda waxa Waajib ah in la dalooliyo Kaadhka Cod-bixinta si loo garto in uu coddeeyay Qofku. CUTUBKA SHANAAD QODOBBO KALA-DUWAN Qodobka 36aad Guddiga Farsamo ee Hawlaha Diiwaan-Gelinta Si Xeerkan loo dhaqan-geliyo islamarkaana loona diyaariyo arrimaha farsamo ee hawlaha diiwaangelinta, isku-duwid loogu sameeyo hawlaha uu Xeerkani waajibinaayo, 1. waxaa komishanku magacaabayaa Guddi Farsamo oo ka kooban: (a) Laba xubnood oo Komishanka Doorashooyinka Heer Qaran ah; (b) Laba Wasaaradda Arrimaha Gudaha ah; (c) Saddex Xubnood oo ka kala socda Xisbiyada Siyaasadda 2. Xilka guddigan farsamo wuxuu noqonayaa diyaarinta iyo dhammaystirka dhammaan hawlaha farsamo ee xeerkani waajibinaayo. 3. Guddida Farsamada waxaa la hawl-gelinayaa isla marka la ansixiyo Xeerkan waxaanay shaqadoodu dhammaanaysaa marka hawsha diiwaangelinta la dhammays tiro. Hase yeeshee markasta oo ay Diiwaangelini jirto Guddida dib ayaa loo abuurayaa. Guddida waxaa Guddoominaya mid ka mid ah labada Xubnood ee ka socda Komishanka Doorashooyinka.

19

QODDOBKA 37AAD GACAN KA GAYSASHADA ARRIMAHA NABAD-GELYADA & WACYI-GELINTA EE HAWSHA DIIWAANGELINTA b) Koomishanka Doorashooyinka Qaranku waxa xilliga hawasha Diiwaangalinta gacan ka siinaya dhinaca Nabad-gelyada Ciidanka Booliska JSL iyaga oo u maraya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qodobka 38aad Goob-Joogayaasha Goobjoogayaasha ama kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami usocodka hawlaha diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, waxaa oggolaanaaya komishanka doorashooyinka qaranka isagoo xagga ammaanka kala kaashanaaya Wasaarada Arrimaha Guddaha. Qodobka 39aad Waajibaadka Hayaddaha Sharci Fulinta Madaxda Dawlada, Hayaddaha sharci fulinta, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada siyaasiga ahba waxaa xil ka saraan yahay ku dhaqanka iyo meel-marinta Xeerkan Qodobka 40aad Ciqaab Qofkasta oo jabiya ama ku xad gudba qodob ama qodobo xeerkan ka mid ah waxaa lagu ciqaab marinayaa si waafaqsan xeerka ciqaabta guud ee dalka. Qodobka 41aad Nasakhaad Xeerkani waxaa uu nasakhayaa ama burinayaa dhamaan xeerarka ama qodobada xeer oo ka hor imanaaya xeerkan.

20

21

También podría gustarte