Está en la página 1de 6

Prepared by: Dr.

Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

Warbxin:Taariikhda magaalada Gaalkacyo Last update 28-09-13 Magaalada Gaalkacyo waa Xarunta Gobolka Mudug, waxay hoos yimaada 4 degmo oo ayadu ka koobnayd magaalo ahaan xiligi dawladii dhexe iyo 4 degmo oo Gobolka ah ayaduna ay 5 kutahay Sida Hobyo Xarardheere Jariiban Galdogob iyo Caasimada oo ah Magaalada Galkacyo. Bilowgii Magaalada wuxuu ahaa aas aaskeedu Qarnigii 20aad horaantisi waxana xiligaas Magaalo ahayd marsada Hobyood oo saldanadii Gobolka Mudug xarun u ahayd xiligaas. Hobyo waxay xukuntay isku soo jeedka xaradhere iyo Ceelbuur , waxaana Gacanta ugu Jirey dhamaan Gobolka Mudug oo Saldanadu ay xukuntay muddo 50 sanno ah . Gaalkacyo waxaa kudhashay rag dalka Soomaaliya magac kulahaa waxaana kamid ahaa badankooda allaha u wada naxariiste , Madaxwayne Cabdulahi yusuf axmed , Cabdullahi Ciise SYL, Yasiin Cisman Xaji sharmarke SYL, Maxamed Farax Caydiid iyo Maxamed F. jimcaale iyo madax kalo badan oo aan qoraal laguso koobi karin. Gaalkacyo waxay ahayd xauntii dhaqdhaqaaqi gobonima doonka hooyadii halgamayaasha soo saari jirtay, bilowgii magaalada waxaa jiray baahiyo magaalo Istaraatiji ah oo dhacda bartamaha islamarkaana Ceelal Gacmeed muhiim ah ay kuyaaleen kuwaaso ay qodeen Qowmiyadihi Oromadii Galla iyo boqortoyadii Ajuuraanka, Ceelasha ay Qodeena waxaa kamid ahaa Ceelka Bardacad iyo Ceelasha walwaleed oo ah Ceelal Gacmeeddyada biyaha kuwa ugu dhaadheer dhulalka somalidu dagto. Heeso badan iyo suugaan lagu qaaday waxaa jiray biya yari dhulka kajirtay xiligaas waxaana loo kala aroori jirey ceelal kukala yaalay masaafooyin dhaadheer ayado awrta afarqaadlaha ay dhixi jirtay 2 habeen

Prepared by: Dr.Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

iyo laba maalmood meelaha qaarkood . Gaalkacyo waxay ahayd xarun ku haboon kala Gudbinta ganacsiga Koonfurta soomaaliya Gobolada waqooyibari iyo Galbeedkii Soomaaliya xiligaas oo dadka Soomaaliyeed kala ganacsgiisu isku furnaa ayado awr ganacsiga lagu kala gudbisan jirey jidad laami ah iyo baabuurna xiligaas majirin Ceelashii meesha ku yaalay lagana cabi jirey waxa kamid ahaa: Ceelka Bardacad Ceelka Bardadheere Ceelka Buqwadaadood Ceelka Halabookhad iyo kuwa kaloo aad ufarabadan Dhulka kale Caduunka ayaa Ceelasha kuyaal ee xiligaas biyaha lagaheli jirey waxa kamid ahaa Ceelashi Jariiban Godod Iyo Golol, Dadka xoola dhaqatada ahi waxay u arkayeen in hadii Magaalo lasoo dhigo Gaalkacyo oo markaas ceelal ahayd uu dhulku nabaad guurayo waxayna Cabasho ujeediyeen suldaanki hobyood oo faaido badan in bulshadu ay kahelayso aaminsanaa hadii magaalo la dhigo. Abwaan ashkir asgo afkaarta shacabka xoola dhaqatada ah xanbaarsan , wuxu yiri suldaanow Gaalkacyo hanagasaarin uubay nootehe .wuxuuna ulajeeday inaan Ceelasha Gaalkacyood tuulo lagadhigin oo meel xuddun xoola dhaqata ay tahay. Bilowgi Gaaalkacyo Gurigii u horeeyey waxa laga dhisay Meesha Qalcada Galkacyo kataagantahay masaajidka alhuda kasoo horjeedkiisa, ayado ahayd Gurigii Gobolka sida taariikhda lagu hayo waxayna ahayd meel kabaxsan baladka Magaaladuna waxay ka bilaabatay old townka xafatul Carab oo katirsan Degmada Garsoor waxayna ahaan jirtay meel bulsho xadaariya kulmisa xiligaas.

Prepared by: Dr.Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

Xaduudkii Lenia Tomasili dhigay Wixii kadanbeeyey dhicitaankii Saldanadii Hobyood ( Saltanate of Obbia) Migiurtenia Saltanate) ama Majertenian EmPire talyaanigu wuxuu xuduud ukala sameeyey beelahii Soomaaliyeed asago beelaha Majerten kasoo kiciyey degmooyinkii Hobyo xaradheere iyo Ceelbuur dibna Gaalkacyo uguso ceshay, asagoo masaaliixdiisa eeganaya qaybi oo xukun ah wuxuu xuduud talyaanigu ka dhigay tuulada wargalo oo Hobyo laga xukumo, halkaas oo ah xuduudkii Lenia Tomasili dhigay. Waxaa dagaalo aan kala golahayn ku hayey Talyaaniga iyo wixi uu watayba Cumar samantar oo markii saldanadiisi dhacday taageero Ciidan oo gumaysidiid ah kahelay beelihi Cabudwaq balanbale iyo waqooyiga Mudug wuxuna dib u qabsaday Ceelbuur halkaas oo generaalki Ciidanka watay talyaaniga iyo ciidankiisiba uu kulaayey Hubkkiina ka furtay, markale wuxu xarun kadhigtay galbeedki Soomaaliya. Asago dagaalo kudhufo oo kadhaqaaq kulaynayey askarti talyaaniga wuxuna gacansaar layeeshay boqoradii Adwa waxayna ka midaysnaayeen la dirirka fashiistaha iyo Halgankii Xoraynta Geeska Africa Omar samantar ayaa loogu magacdaray dugsiyada sare Jigjiga iyo Gaalkacyo wa halgamaa taariikh dheer lahaa wuxuna ahaa amaanduulihi Ciidanka Saldanadii Hobyood. isticmaarku khayaano ayuu dalka kusoo galay asago heshiiskii uu maamulkii waqooyibari lagalay u badalay isticmaar iyo Cagajuglayn fashiistuhu beelaha qaar ayuu ku hubayn jirey Saldanooyinki xiligaas jirey waxayna noqotay in lays dhawran waayey, dagaalkaasi wuxuu socday ilaa xoriyadii SYL Leego ay wadnaha iyo gacanta midig kusoo dhacsheen Xoriyada ,waxaana fikirkeeda lahaa iyo aas aaskeeda 11 dhalinyaro Soomaaliya youth Club Gundhigana u ahaa aqoonyahan Cisman Yasiin xaji sharmarke asgo ahaa Gudoomiyihii Ururkii SYL .

Prepared by: Dr.Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

Macnaha Magaca Gaalkacyo iyo siduu kubaxay Magaca Gaalkacyo waa meeshii oromadii Galla laga kacshay iyo Ajuuraankii ceelasha ka qoday kuwaaso uguuray dhanka galbeedkii Soomaaliya sida wal-waal iyo qallaafe markii laga kacshay ayaa ceelashii waxa lo baxshay Gaalkacyo, xiligii Ceelasha ay ahayd ayaa magaca Gaalkacyo baxay aas aaskii magaaladuna waka danbeeyey wax badan. Waxaa oromadii Galloos dhulkaas kasaaray Gaala-Eri oo ahaa awoowayaasha facawayn, dadkiisuna uu dhulkaas joogay sida dagaari bandiiradley dawga Bulaguduud oo koonfurta Gaalkacyo kuyaal ayaa la oron jirey Ruuman Ree Bicidyahan waxana dagana beeshas inkasto somalidu ay tahay dad Ree Guuraa ah oo aan dhul kala lahayn. Soo dagitaankii beesha sacad magaalada Gaalkacyo. Soomaalidu wa dad xoolo dhaqato ah waxayna in muddo ah hayaan u ahayd dhinaca Galbeedka oo xoola dhaqashada kuwacnaa, ayadoo taariikhaha beel walba beesha ay koonfur kaxigto soo durkinaysay dadkuna dhinaca waqooyi iyo Galbeed usoo durkayey. Magaalada Gaalkacyo dagisteeda walaguso kala horeeyey inkasto wada noolaanshuhu muhiim yahay marka uu leeyahay is aaminaad kalgacal iyo calool xaarni, xilli aan sidaas u fogayn ayey ahayd markii abaaro kudhuftay koonfurta Mudug, inlagasoo guuro ay keentay oo dhulka daaqsinta iyo Ceelasha Gaalkacyo inlawada cabo lagu heshiiyey waxaa marka Gudoomiye aha allaha u naxariiste Gudoomiye Xaaji Xassan oo wiilkiisa iyo wiilka uu sii dhalayba ay Gudoomiye kasoo noqdeen magaalada Gaalkacyo. Waxayna ahaayeen dad Ree Mudug aad ujecelyihiin waxa jirtay odayaal kayimid dhankaa iyo Hobyo una socday sidii waraabka iyo daaqsinta loo wadaagi lahaa Gudoomiyuhu wuu soo dhaweeyey xiligaa wuuna ka aqbalay wuxuuna ugu jawaabay shalay Hobyo iyo Xaradheere waanu wada daganayn Gaalkacyona wa lamid Soomaalina soohdin talyaani dhigay dan

Prepared by: Dr.Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

uma ahan sidaas ayaa lagu wadaagay daaqsinti biyihii iyo magaaladii wixii kadanbeeyey xoriyadii Gaalkacyo waxay noqotay Gobol waxayna kamid ahayd 8dii gobol oo dawladii Rayidka ahayd xukumi jirtay. Mudug oo xiligaa dhul aad ubalaaran xukumayey magaalada Galkacyo ayaa lagusoo wada dagay hab maamuus iyo wanaag lahayd maantase dad badan aysan garan karin qaabkii Xilligii iyo sababtii loo wada dagay ? Xilliyadii hore sidii dhaqanka Soomaaliyeed ahaan jirey dadku wa isjeclaayeen ehel iyo qaraabu ahaa laba qoys hadii wax kalagaaran Gabar Godob tir ah iyo mag ba lakala gudoomi jirey, qalbiyadana waa laysku furijirey oo hablaha lakala guursado ayaa wanaajin jirey xiriirka labada qoys, gabadhuna waxay u dhigmi jirtay safiirka oo kale ayado ahayd biriijkii iskuxidhayey labada reer waxaana la oron jirey gabari wa dhoon banaan taal, dhoon wa haanta biyaha agaanta ree miyiguna biyaha kushubto. Hadii ayado safar layahay lagu yimaado gabar cidda ah islamarkana udhaxda qoyskale walo martiyi jirey kadibna way wanaajin jirtay xigtadeeda ayado xigtadaasna ay qiimo gaar ah iyo qadarin uqaadi jireen reerka gabadha kaqaba iyo sida ay u sooryi jireenba, dhaqankaasi maanta gabaabsi ayuu kuyahay Soomaali . Birmagayda wala dila habluhuna dhul Soomaaliyeed kuma amaanhelaan badankoodu wakhtiyadii danbe oo dagaalo lahareen dalkii Soomaaliyeed, haba ugu daraadeen 91-kii.

Galkacyada Cusub iyo Horumarka so bilowday 1998 wixii kadanbeeyey burburkii dalka iyo dhismihii Puntland 1998 ayaa magaalada Galkacyo dadku kusoo noqdeen magaalada magaran karayo ruux ay barihore ugu danbaysay goobaha ganacsiga iyo dabakhyada cajiibka ah ayaa ishaadu qabanaysa Baabuurta aan kala go,a lahayn

Prepared by: Dr.Ali Mohamed Ali Iye (Ali Kanu)

jidadka mashquulka iyo Ciidamada shaqada kujira wax kucusub Galkacyo maaaha dhinaca dhismaha ayaa ugu yaraan 50 guri ladhameeya maalinkti halka 50 guri oo cusubna labilaabo islamaalintaas isugayn wa 1000 Guri sanadkii . dadka ree Galkacyo ayaa ah dad isjecel markay isku arkaan somalia inteeda kale iyo qurbaha ayago kaftan iyo xifaale isku soo dhaweeya magaalada Galkacyo waxay caasimad utahay 4 degmo iyo tuulooyinkooda macayshada iyo wax walba oo magaalo looga baahdana Galkacyo ayey ogatagaan beelaha 4 degmo ayaa galkacyo kuxiran waana ismahurto inay is haleeyaani aysan u haboonayn Galkacyana wa mid laba maaha . Qoraa: Dr.Cali Maxamad Cali Ciye (Cali Kanu)

También podría gustarte